Safarkoodii ayay bilaabeen. Waxay socdaan oo socdaanba, jidkii ay hayeen ayaa labo waddo u kala qeybsamay. Wuxuu u kala baxay jid cad iyo mid madoow. Dawacadii durba waxay mooday in jidka cad uu meel fiican tagayo.
'Jidka cad ayaan qaadayaa ee adna kan madoow qaad' sidaas ayay dawacadii kula talisay diinkii. Diinkii waa uu aqbalay waxaana uu go'aansaday inuu iimaansado jidkiisa madoow. Mid waliba wadadiisii ayuu ku dhacay oo waa la kala leexday.
Cabbaar markii jidkii cadaa ay ku socotay ayaa dawacadii waxay heshay guri jajaban oo meel walba ka duleela. Asna diinkii wuxuu socdo, oo socdo, oo socdo, waxaa uu helay gri qurux badan oo dugsoon oo raaxo miiran ah.
Dhowr asbuuc kadib, roob mahiigaan ah ayaa yimid. Dawacadii biyihii roobka iyo daadkii ayaa meel walba uga soo galay. Markii ay qoyday oo qarqar ay la adkaysan weyday, ayay go'aansatay inay qabato gurigii diinka oo gurigiisa ka sasabato.
Markii ay timid gurigii diinka ee quruxda iyo qiimaha badnaa ay tiri, 'diinoow, gurigeyga ayaa kaaga ka fiican. Keygu meel walba waa ka furan yahay. Haddii uu col yimaado, meel walba ayaan ka bixi karaa laakiin kaagu hal albaab u qura ayuu leeyahay.Haddii irida col kasoo galo, meel kale oo aad ka bixi karto malahan'.
Iibaddal ayay tiri. Laakiin wuu ka diiday. Waxay tiri, 'hadduu col kusoo weeraro, cawimaad haiweydiisan'. Marka, habeyn habeynada kamid ah ayay buur meesha ka dhow fuushay kadibna aad ayay u qeylisay oo u guuxday ayadoo col iska dhigeysa.
'Xoox, xoox, xoox, xoox'. Diinkii naxdin darteed wadnahaa afka yimid. Aad ayuu u naxay diinkii oo cabsi ayaa qabatay aad u daran. Subixii xigay ayaa diinkii uyimid dawacadii oo ku yiri, 'haye hadda waan aqbalay ee inoo kala baddal labada guri'.
Dawacadii sidii ayay kula wareegtay gurigii quruxda badnaa ee diinka!
Su'aalo:
1. Diinku yuu saaxiib la ahaa?
2. Waa maxay sababta ay uga guureen halkii ay markii hore ku noolaayeen?
3. Diinku ma jidka cad ayuu qaaday mise kan madoow?
4. Guri caynkee ah ayay heshay dawacadu?
5. Sidee ayuu ahaa guriga uu helay diinku?
6. Ma ka sheekeyn kartaa adigu sidii dawacadu uga sasabatay diinka gurigiisa adigoo isticmaalaya
oraah kuu gaar ah?
7. Maxaad umalayneysaa diinka inay ku dhaceen kadib markoo kadib markii gurigiisii laga sasabtay?
8. Haaddi aad adiga diinkaas ahaan lahayd, maxaad yeeli lahayd?



No comments:
Post a Comment