Waabaa waxaa jiray bakayle aad iyo aad u dheereeya.
Wuxuu ku faani jiray sida uu oradka u yaqaano uuna kartida ugu leeyahay in uu masaafo dhan jaro muddo yar gudaheed. Diin ayaa waxaa soo karay faankiisa oo yiri 'aan tartano haddii aad dheereyso waaba la ogaane'.
Dhammaan xayawaannadii duur joogta ahaa ayaa usoo daawasho tagay tartankooda. Bakaylihii ayaa cabbaar wadadii lagu tartamaayay ku orday oo ka dheereeyay diinka sidii la filaayay. Laakiin geed hoostiis ayuu fariistay asagoo isleh hadhoow markuu kuu soo dhawaado ayaa ka dheereyn doontaa mar kale oo aad xarriiqa ugu dambeeya uga hormari doontaa.
Dib ayuu u jalleecay bakaylihii oo ku yiri, 'sidee ayaad u filan kartaa inaad tartankaan iiga guuleysato adigoo sidaa u gaabinaya?' Wax yar ayuu is yiri bakaylihii seexo inta uu diinku kasoo dhawaanayo laakiin hurdo dheer ayuu galay oo la tagtay durba.
Wuxuu malaynayay inuu haysto waqti dheer oo uu ku nasan karo. Diinkii ayaa socday oo socday mana uusan istaagin ilaa uu ka tallaabay xarriiqa ugu dambeeya ciyaarta! Xayawaannadii ayaa mar qura sacab iyo sawaxan isku daray waxayna bilaabeen inay u dabbaal dagaan guusha diinka.
Hal mar ayaa qeyladii waxaa kusoo baraarugay bakaylihii. Wuu iskala bixiyay, wuu halaaqyooday wuxuuna mar kale bilaabay inuu orod cagaha wax kasoo dayo asagoo usoo ordaya dhanka xarriiqa dhammaadka.
Laakiin waa mar diinkii uu dhanka kale uga tallaabay xarriiqa dhammaadka. Sidii ayaa loogu oryay bakaylihii, mar dambena waligii kuma faanin inuu orod badan yahay. Halkii ayaa faankiisii ku dhammaaday.
Su'aalo:
1. Miyaa bakayluhu aad u dheereeyay mise mid aan orod badnayn ayuu ahaa?
2. Muxuu ku faani jiray bakayluhu had iyo jeer?
3. Muxuu dhibsaday diinku?
4. Diinku muxuu soo jeediyay?
5. Yaa usoo daawasho tagay tartanka dhex maraayay bakaylaha iyo diinka?
6. Waa maxay sababta bakayluhu ugu maleeyay inuu haysto waqti badan oo uu kunasto?
7. Ilaa intee ayuu socod ku gaaray diinku?
8. Maxay xayawaannada daawanayay tartanka sacab iyo sawaxan isugu dareen?
9. Markii uu soo baraarugay bakayluhu muxuu sameeyay?
10. Sababtee darteed loogu oryay bakaylaha?

No comments:
Post a Comment