Tuesday, August 23, 2022

THE CAMEL AND THE FOX

Once upon a time, a camel was the best friend of a fox.

One day, the fox requested from the camel to carry it on its hump and cross a nearby river with it.

The camel accepted and the fox jumped on the hump of the camel and sat on there. The camel crossed the river while the fox was on top of its hump. Once they were there on the other side of the river, the fox shouted. A man who owned a nearby farm came out and thought the camel was eating the crops in the farm.

The man held a stick and beat the camel badly. The fox hid under bushes. The camel yelped with a pain. Afterwards, the fox asked the camel to take it back across the river once more on the other side where they came from initially.

The camel accepted it. However, in the middle of the river, the camel sat. The fox drowned but the camel was not since the camel has a long tall neck.

QUESTIONS

1. Who was the friend of the camel?

2.Where have the two animals gone to?

3.What happened after the fox shouted?

4. What did the camel do in the middle of the river?

5. What happened to the fox after the camel sat in the middle of the river?

6.What lesson have you learnt from this story?


AWR IYO DAWACO

Waaba waxaa jiray awr iyo dawaco. Waxay ahaayeen saaxiibo.

Maalin maalmaha kamid ah, dawacadii ayaa ka codsatay awrkii inuu dushiisa ku qaado oo uu ka tallaabiyo webi u dhowaa.

Awrkii wuu ka aqbalay dawacadiina waxay ku booday dhanka sare ee awrka waxayna dul fariisatay oo qabsatay kuruska awrka. Awrkii ayaa gudbiyay webiga dawacadii si aayar ah oo raaxo leh wax dhib ahna aan lahayn. 

Markii ay dhanka kale tageen oo dawacadii dagatay, dawacadii way roortay oo dhex gashay geedo dhexdood iskuna qarisay. Intaasi kadib qeylo ayay afka ku shubatay. Waxaa soo baxay nin lahaa beer meeshaa agteeda kutaalay. Wuxuu mooday in awrku daaqayay beerta.

Ninkii ayaa ul qaatay oo aad u garaacay awrkii. Dawacadii wali waxay isku dhakinaysay geedaha hoostooda oo isku qarinaysay ayadoo ku faraxsan waxa ku dhacay awrka. Xanuun aad iyo aad ah ayuu dareemay awrkii oo wuu ilmeeyay.

Ninkii markii uu tagay, dawacadii ayaa soo baxday waxayna mar kale ka codsatay awrka inuu u gudbiyo hadana dhanka kale ee webiga meeshii markii hore ay ka yimaadeen.

Awrkii wuu aqbalay. Laakiin markii uu marayo dhexbartamaha webiga ayuu yiri waan fariisanayaa. Dawacadii baryo ayay afka furatay. 'Fadlan ha fariisan sababtoo ah biyaha ayaa iqarinayo waan ku dhimanayaa halkaan'.

Laakiin awrkii oo ogaa sidii ay ugashay dawacadu ayaan dhag jalaq usiin oo waxaa uu dhex fariistay webiga. Dawacadii halkaas ayaa ku harqatay oo ku dhimatay laakiin awrkii wax dhib ah ma soo gaarin maadaama qoor dheer uu leeyahay oo biyaha madaxiisu ka sarreeyo.

SU'AALO

1. Yay dawacadu saaxiib la ahayd?

2.Halkeebey aadeen labada xayawaan?

3.Maxaa dhacay kadib markii dawacadii ay qeylisay?

4.Maxaa awrku sameeyay markii uu marayay dhexbartamaha webiga?

5. Maxaa ku dhacay dawacadii markii awrku dhex fariistay webiga?

6.Casharkeen ka baran karnaa sheekadaan?

No comments:

Post a Comment