Wednesday, October 5, 2022

Eeygii Dhuuniga Ahaa

Beribaa waxaa jiray eey aad u huunguri weyn oo dhuuni ah magaciisana la oran jiray Mooge.

Maalin ayaa waxaa uu go'aan ku gaaray inuu aad u daydayo wax uu cuno oo ku habboon isla markaana deeqa ilaa uu dhargo. Ugu dambeyn wuxuu ku soo baxay laf meel taala.

Laftii ayuu qaatay mana aysan jirin cid kale oo ku qabsatay laftaas. Hareerihiisa wax kale oo xayawaano ah oo ku sugnaa majirin. Laftii ayuu durba la booday wuuna cararay asagoo ku faraxsan lafta uu soo helay.

Wuxuu ku fakaray inuu la aado meel jawigeedu daggan yahay oo uu ku cuno lafta oo wax kale oo ka ag sharqamaya aysan jirin si wax kale aysan ula qeybsan inta kusoo baxaan. Wuxuu dabadeen soo gaaray webi buundo dul mareyso.

Wuxuu bilaabay inuu buundada maro oo dhanka kale aado. Laakiin markii uu dhexda buundada marayo, ayuu biyaha ka dhex arkay humaagiisa. Wuxuu mooday in uu biyaha kujira eey kale oo laf kale isna afka ku wata.

Wuxuu aad u hunguriyeeyay inuu sidoo kale helo laftaas uu ismoodsiiyay. Wuxuu isku xanaajiyay eeygii kale ee uu ismoodsiiyay inuu biyaha kujiro oo ku qeyliyay, 'wah,wah, wah, wah wah wah'. Laakiin durba markii ugu horreysay ee uu afka kala qaadayba waxaa ku dhacday biyaha laftii uu sitay oo uufka kusoo qaatay 'tumbuluw'.

Biyaha salkooda ayay dhex tiimbatay. Horay ayaa loo yiri, 'wax badso wax beelbey leedahay'. Aad ayuu u carooday oo murugo ayaa gashay kadib markii laftii ay biyaha dhex quustay. Madaxa ayuu xoqday ciil iyo walbahaar daraadood.

Wuxuu lumiyay wixii kaliya ee uu haystay ee uu cuni lahaa.

1. Magaca eeyga dhuuniga ah muxuu ahaa?

2.Muxuu helay eeygu?

3.Cid kale oo ku qabsatay laftiisa miyaa jirta markii uu soo helay?

4.Ugu dambeyn halee ayuu soo gaaray eeygu?

5. Muxuu biyaha dhexdooda ka arkay eeygu?

6. Humaag maxaa laga wadaa ama loola jeedaa?

7. Maxaa dhacay markii uu afka kala qaaday?

8. Dhuuni waa maxay amase maxaa loola jeedaa?

9. Maahmaahdee ku wanaagsan sheekadaan?

No comments:

Post a Comment