Bari hore waxaa jiray tuke. Waxaa uu kunoolaa keymaha qeyb ka mid ah dunidaan aanu joogno. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa tukuhu uu aad u duulay saacado badan asagoo safar ah.
Intaa kadib harraad ayaa uu kax noqday, macnaha aad ayuu u oomay. Meel walba oo duurka ah ayaa uu biyo ka raadiyay. Laakiin muddo dheer wax biyo ah ma uusan helin. Laakiin ma uusan rajo beelin ee waxaa uu sii waday iyo daydayo biyo.
Ugu dambayn wuxuu arkay guri meel kuyaala oo aad u qurux badan. Wuxuu ku dagay guriga dhaladiisa sare oo hoos u soo eegay. Daaradda guriga ayaa waxaa uu ka arkay aashuun biyo ay ku jiraan. Qarkiisa ayuu ku fariistay ashuunka, laakiin waxaa u suurta gali wayday inuu afka la gaaro biyaha oo uu cabbo maadaama biyuhu salka hoose oo ashuunka ay kujireen ayna yaraareen.
Kadib markii uu isku dayo badan sameeyay si uu u gaaro biyaha laakiin uu awoodi waayay inuu gaaro biyaha ayaa uu galay fakaridtaan aad u dheer. Waxaa uu ka fakarayay mar sidii uu ku cabbi lahaa biyaha.
Ugu dambeyn wuxuu helay fikrad wanaagsan oo ah inuu dhagax ku rido ashuunka si biyuhu kor ugu soo kacaan. Dhagaxaan badan markii uu ku riday, biyihii ayaa sare usoo kacay oo soo gaaray afka ashuunka.
Aad ayuu u farxay. Wuu qoslay, 'aah aaah, aaaah'. Biyihii ayuu cabbay ilaa oonkii uu ka ba'o oo uu harraad beelay kana dhargay biyo calooshana uu ka buuxiyay. Waxaa uu intaa kadib u yeeray dhammaan saaxiibadii si ay biyaha u cabaan.
Shimbiro badan oo kale ayaa yimid oo biyihii ayay cabbeen oo waa ku oon baxeen aad iyo aadna waa u farxeen iyana. Waxay u mahad celiyeen tukihii oo amaaneen kadibna ayagoo faraxsan ayay duuleen.
1. Markii uu oomay tukuhu muxuu sameeyay?
2. Oon ayuu kax noqday maxay la macno tahay?
3.Ugu dambeyn muhuu tukuhu arkay?
4.Waa maxay sababta uu dhagaxyada ashuunka biyaha ugu ridriday?
5. Markii uu oonkii ka baxay, muxuu yeelay tukuhu?
6. Waa maxay sababta shimbiro kale ay meeshaa u yimaadeen?
7. Waa maxay sababta ay shimbiraha kale ugu mahadnaqeen tukaha?
8. Maxaa cashar ah oo laga baran karaa sheekadaan?

No comments:
Post a Comment